Published On: Tue, Apr 3rd, 2018

Golaha Aqalka Sare Oo Maanta Ka Hadlay Arrimaha Xajka Iyo Cimrada.

Kulanka maanta ay yeesheen Golaha Aqalka Sare oo qeyb ka ah Kalfadhiga 3aad ayaa maanta looga hadlay Dhageysiga warbixin ay soo gudbiyeen Guddiga Garsoorka , Diinta iyo Awqaafta ee arrimaha Xajka iyo Cimrada.

Waxaana Kulankaasi Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyadoona guddiga Arrimaha Diinta iyo Awqaafta halkaasi ay uga dhawaaqeen in ay si rasmi ah ula wareegeen Arrimaha Xajka iyo Cimrada halka markii hore Shirkadaha Duulimaadka ay matali jireen islamarkaana ay heshiisyada arrimahaas la xiriira la soo gali jireen Boqortooyada Sacuudi Arabia.

Senator Cismaan Axmed Macow ayaa ka warbixiyay go’aanada Guddiga ay ka gaareen hanaanka loo wajahayo Arrimahaasi Xajka iyo Cimrada wixii haatan ka dambeeyo.

Dhinaca kale Senator Cismaan Axmed Macow ayaa hoosta ka xariiqay in go’aan ka gaarista qarashaadka qiimo dhimista hanaanka shatiyada arrimahaas ku aadan loo siinayo Shirkadaha ay leedahay Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Cabasho ballaaran ay ka taagneen in qarashaad ka badan Muwaadiniinta dalalka kale ee Xujeyda ah laga qaado Xujeyda Soomaaliyeed taas oo si weyn ay uga soo horjeesteen Golaha Aqalka Sare.

RadioShabelle

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300