Published On: Mon, Apr 2nd, 2018

Trump oo ka soo horjeestay in sharci la siiyo boqolaal kun oo qof

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxaa uu sheegay in uusan jirin heshiis ay la galayaan xisbiga dimuqraadiga oo sharci lagu siinayo boqolaal kun oo qof oo aan heysan sharci ay ku joogaan dalka Mareykanka, kuwaasi oo Mareykanka la keenay iyagoo caruur ah.

Trump ayaa waxaa kale oo uu sheegay in barnaamijkan oo loo yaqaano DACA ay si khaldan u adeegsadeen tirada muhaajiriinta sharci darada ee sii kordhaya, waxaana uu ku edeeyay dalka Mexico inay dayaceen ammaanka xuduuda ay la wadagaan Mareykanka.

Trump sidoo kale ku booriyay xildhibaannada xisbiga Jamhuuriga ee aqalka Congres-ka inay meel mariyaan sharci adag oo looga hortagayo qulqulka muhaajiriinta.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaa kale oo uu ku hanjabay inuu isaga bixi doono heshiiska ganacsiga xorta ee waqooyiga Mareykanka, hadii dowladda Mexico ay joojin weydo waxa uu uu yeeray daroogada laga keeno dalkeeda iyo qulqulka dadka.

Hadalka maadxweyne Trump ayaa imanaya, iyadoo uu sii xoogeysanayo wadaxaajoodka ganacsi ee u dhaxeeya Trump iyo dhigiisa Mexico Enrique Peña Nieto.

BBC Somali

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300