Published On: Sat, Mar 31st, 2018

Kulankii Golaha Shacabka Soomaaliya ee maanta oo dib loo dhigay

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dib loo dhigay kulankii ay maanta yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Warkan ayaa waxaa lagu faafiyay wakaaladda wararka ee Soomaaliya ee SONNA, taas oo sheegtay in kulanka maanta lagu baajiyay soo jeedin ka timid Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu waday in xildhibaannada Soomaaliya ay yeesheen kulan howleedkoodii caadiga ahaa.

Waxa ayse xildhibaannadu ku kala aragtiyo duwanaayeen ajandaha kulankaasi lagu faaqidi doono.

Qeyb ayaa waxa ay ku doodaysaa in maanta laga doodi lahaa mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka, halka kuwa kalana ay leeyihiin mooshinkaasi waa uu jabay oo maanta waxaannu ka doodaynaa arrimaha xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

BBC Somali

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300