Published On: Thu, Mar 29th, 2018

Guddigii Aqalka sare oo sheegay inay burburtay waan waantii ay ka dhex wadeen Golaha Shacabka

Guddigii Aqalka sare ee loo xil saaray xalinta khilaafka Golaha Shacabka ee ka dhashay mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay inay burburtay waan waantii ay ka dhex wadeen Guddoonka Golaha Shacabka.

Guddigan ayaa kulamo dhowr ah oo saacado qaatay la yeeshay labada dhinac, waxaana ku adkaatay in meel dhexe la isugu yimaado, si khilaafka loo xaliyo iyo in sida sharciga qabo lagu xaliyo.

Wararka ayaa sheegaya in labada qodob ee la isku hayay oo ay wadeen Guddiga Aqalka sare uu ahaa in Ciidamadii la geeyay xarunta laga qaado iyo in la isku afgarto xilliga mooshinka la horgeeynayo, iyadoo labada dhinac raalli isaga yihiin.

Ilo ku dhow dhow xubnaha Guddiga ayaa sheegaya in dhinacii Guddoomiye C/wali Muudey ay diideen dadaalada ay wadeen, halka dhanka Jawaari ay aqbaleen dadaalada socday.

Guddiga Aqalka Sare ayaa horay u soo saaray in mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari lagu horgeeyo Golaha muddo 10 cisho oo ka soo bilaabata 18-ka bishan, kuna eg 28 oo xalay saqdii dhexe ku ekeyd, hase ahaatee aanay ku suura gelin in mudadaas lagu horgeeyo.

Xildhibaanada la baxay Badbaadada Golaha Shacabka ayaa xalay ku dhawaaqay inuu buray mooshinka, si waafaqsan xeer hoosaadka, maadaama waqtigii 10-ka cisho lagu horkeeni waayay Golaha Shacabka.

Jowhar

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300