Published On: Wed, Mar 28th, 2018

Dowlada Soomaaliya oo Ishtako ka dhan ah Imaaraadka Carabta u gudbisay Golaha Amaanka ee QM

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa golaha amaanka ee QM u gudbisay ashtako ka dhan ah dowlada Imaaraadka Carabta.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya QM Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) ayaa qoraalka ashtakada ah si rasmi ah maanta u hor dhigay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Abuukar Baalle ayaa ku eedeeyey dowlada Imaaraadka Carabta inay ku xadgudubtay qaranimada dalka Soomaaliya.

Khudbad uu danjiruhu u jeediyay xubnaha Golaha ammaanka ayuu ku sheegay in dowlada Imaaraadka Carabtu heshiiska ay shirkada DP World la gashay Maamulka Somaliland uu ka dhigan yahay xadgudub lagula kacay xornimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

“Dowlada Federalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa xadgudubka lagula kacay waxayna qaadi doontaa wax walba oo ay ku ilaalin karto jiritaanka Qarankeeda.”ayuu yiri danjire Abuukar Baalle.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in heshiiska Imaaraadka Carabta iyo Somaliland wada gaareen ee saldhiga Milatari looga dhisayo magaalada Berbera uu xadgudub cad ku yahay xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya muddo 28 sano ka badan.

Danjiraha ayaa uga mahadceliyay Qaramada midoobay dedaalka ay ugu jirto sidii Soomaaliya dowladnimadeeda loo xoojin lahaa, horumarna ugu talaabsan laheyd.

Axadle

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300