Published On: Mon, Mar 26th, 2018

Md. Cawad: Mowshinku Wuxuu Xiriir La Leeyahay Go’aankii DP World

VOA Somali – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay in mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari inuu xiriir la leeyahay sharcigii baarlamaanku ansixiyey ee mamnuucayey shirkadda DP World.

Hadalkan ayaa ka dambeeyey xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhexeeya xildhibaannada taabacsan xukuumadda iyo kuwa difaacaya guddoomiyaha baarlamaanka.

Khadka telefoonka ee Muqdisho ayaa Haaruun Macruuf uu kula xiriiray guddoomiye xigeenka, Md. Cawad, waxaana uu weydiiyey in dhinacooda ay qorshaynayeen mooshin ka dhan ah xukuumadda?

Dhinaca kalena, waxaa noo suurtogashay inaan waraysanno mid ka mid ah xildhibaannada isla markaana ka tirsan golaha wasiirrada, Khadiijo Maxamed Diiriye. Jacfar Kuukaay ayey uga warrantay sida dhinacooda ay u arkaan mooshinka.

Haddaba, maxaa ka dhalan kara haddii ay sii socoto xaaladan xilligan taagan? Su’aashaas iyo kuwo kale ayaa weriyahayaga Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle uu hordhigay Prof. Liibaan Ciise oo ah madaxa daraasaadka sare ee Jaamacadda Muqdisho.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300