Published On: Sun, Mar 25th, 2018

Gaari Waxyaabaha qarxa ka buuxeen oo goordhaw ku qarxay Duleedka Muqdisho

Waxaa goordhaw gaari nuuca raaxada ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ku qarxay xaafad kutaala Deegaanka Siinka Dheer ee kuyaala Duleedka magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku helnay gaarigan ayaa qarxay xili uu marayay wado qardo jeex ah oo ku dhaw Koontaroolka Siinka Dheer, waxaana la sheegay in gaarigaasi uu ku qarxay wado uu marayay.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in gaarigan waxyyeelo kasoo gaartay dadkii la socday, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya oo ku sugnaa Koontaroolka Siinka Dheer.

Wali lama oga gaarigan qarxay cida wadatay iyo bartilmaameedka gaarigaasi lala damacsanaa , mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka dowlada Soomaaliya

Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

Allbanaadir

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300