Published On: Sun, Mar 25th, 2018

Axmed Madoobe Oo Ka Hadlay Xiisada Beled-Xaawo

RadioShabelle – Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Xiisada ka aloolsan magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in aan la qaldi karin Xadka, islamarkaana Kenya aysan ku soo xad gubdi karin taako ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Waxaana uu intaasi ku daray in dhawaan go’aan dhab ah laga gaari doono xiisada taagan dhannka Xadka dalalka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Dhinaca kale waxaa saakay xaalad deganaasho ah laga dareemayaa degmada Beled-Xaawo ee gobolkaasi Gedo, oo 3 maalin ee la soo dhaafay ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysay Shacabka magaaladaasi iyo Ciidamada dowladda Kenya.

Xiisada ayaa ka dhalay kadib markii Ciidamada Kenya ay dib u bilaabeen dhismaha darbiga Kenya ay ka dhiseyso halkaasi.

Halkan hoos ka dhageyso Codka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300