Published On: Sat, Mar 24th, 2018

Madaxweyne Farmaajo oo Xildhibaano iyo Wasiiro kala haday Khilfaaka Khayre iyo Jawaari

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya, waxaa uu kulan kula qaatay Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wasiiradda iyo xildhibaanada uu la kulmay sidii loo ilaalin lahaa dastuurka, islamarkaana sharciga loo marsiin lahaa Mooshinka laga keenay Guddoomiye jawaari.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha uu u sheegay in loo baahan yahay in arinta lagu xaliyo si waafaqsan dastuurka iyo xeerhoosaadka Baarlamaanka.

Madaxweynaha waxaa uu sidoo kale xildhibaanadii iyo Wasiiraddii uu la kulmay uu u balan qaaday in uu si wadi doono xalinta Khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan Golaha Shacabka.

Khilaafka ka dhex taagan xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sii xoogeystay, iyadoona hadda lagu muransan yahay halka lagu qaban doono cod u qaadista Mooshinka Guddoomiye Jawaari.

Axadle

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300