Published On: Sat, Mar 24th, 2018

Golaha Aqalka Sare Oo U Yeeray Wasiiro Ka Tirsan XFS

Golaha Aqalka Sare oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa u yeeray qaar ka mid ah wasiirada Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa sheegay in ay muhiim tahay in wax laga weydiiyo Xuukuumadda Soomaaliya xiisada ka taagan magaalada Bele-Xaawo ee G/ Gedo.

Waxaana Goluhu ay u yeereen wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibad, si su’aalo looga weydiiyo dhibataada Ciidamada Kenya ay ku hayaan shacabka ku dhaqan gobolka Gedo.

Senator C/laahi Sheekh Ismcaail Fartaag oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Milatariga Kenya dhibaato xoogan ay ka wadaan Xadka Soomaaliya.

Waxaana uu xusay in DFS ay indhaha ka laabataya wax ka qabashada arrimahaasi, loonabaahan yahay in si deg deg ah looga jawaabo tacadiyadaasi.

RadioShabelle

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300