Published On: Thu, Mar 22nd, 2018

Qarax Dad Shacab ay ku dhinteen oo ka dhacay Wadada Maka-Almukarama

Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa, ayaa goor-dhaw ka dhacay agagaarka Hotel Wehliye ee ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaaladda Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Cali Ibraahim ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ilaa iyo 14-qof ay ku dhinteen Qaraxa, sidoo kalana ay dhaawacmeen ilaa iyo Lix ruux.

Dhanka kale Saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa inoo xaqiijiyay in khasaaraha dadka dhaawaca uu soo gaaray ay ka badanyihiin ilaa iyo 10-qof.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa mudooyinkaanba sii xoojiyay dagaalka ay kula jiraan Maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo howlgalo laga sameeyay qaar ka mid ah Gobalada dalka khasaaro badan loogu gaystay cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300