Published On: Wed, Mar 21st, 2018

Amiirka Qatar oo Safiir Awood leh u soo Magacaabay Soomaaliya

Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya u soo Magacaawday Safiir awoodiisa ay tahay mid dhameystiran kaas oo haatan ku sugan Gudaha Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani ayaa ka dhigay Xasan Xamza Asad Haashim oo ahaa Sii Hayaha Safaaradda Qatar ee Muqdisho safiir aan caadi aheyn, kaas oo geli kara xataa heshiisyada.

Masuulkan la Magacaabay ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa Muqdisho,isaga oo ahaa Sii Hayaha Safaaradda Qatar ee Muqdisho,waxana tallaabadaan lagu Magacaabay ay ku soo aadeysaa xili Madaxweyne Farmaajo uu dhawaan tegi doono dalka Qatar.

Dowladda Qatar ayaa xiriir dhow la leh Dowladda Madaxweyne Farmaajo,iyada oo Siyaasada soomaaliya kula loolanta dalal ka mid ah Wadamada Khaliijka sida Dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo.

Somaliweyn

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300