Published On: Sun, Mar 18th, 2018

Wararkii Ugu dambeeyay Mooshinka Jawaari iyo halka saakay uu xaal marayo

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay sii xoogeestay khilaafka ka dhax aloosan Xildhibaanada Baarlamaanka ee labada garab u kala jabay, waxaana xalay ilaa saakay Muqdisho ka socda kulamo ay leeyihiin Xildhibaanada iska soo horjeeda.

Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Jawaari ayaa kulamada xoogooda ku leh magaalada Muqdisho, waxa ayna Xildhibaanadan ka shaqeenayaan sidii loo heli lahaa codad ku filan oo kalsoonida lagala noqon karo Jawaari.

Sida aan Wararka ku helnay Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa adeegsanaya dhaqaalo aan la ogeyn cida bixisay oo lagu kasbanayo Xildhibaanada siyaasad ahaan taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Magaalada Muqdisho waxaa shalay iyo maanta soo gaaray Xildhibaano katirsan Baarlamaanka oo dalka dibadiisa ku sugnaa, kuwaa oo qeyb ka noqonaya xildhibaanada iska soo horjeeda.

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Xarunta Villa Hargeysa ayaa laga dareemayaa mashquul saa’id ah, waxaana xaruntaasi daqiiqad walba galaya sidoo kale ka baxaya Xildhibaano.

Xafiisyada Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Ra’isul Wasaaraha ayaa sidoo kale laga dareemayaa mashquul ka dhashay xiisada ka dhax aloosan Baarlamaanka iyo Mooshinka laga gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Kulanka Baarlamaanka ayaa baaqday maalintii labaad iyadoona gudoonka wax sabab ah sheegin, waxaana Xildhibaanada iska soo horjeeda ku mashquulsan yihiin sida midka kan kale uga guuleesan lahaa.

Waxaa dhoor mar guul dareestay isku dayo lagu doonayay in xiisada lagu dejiyo xalna laga gaaro khilaafka taagan, Xildhibaanada Mooshinka wada ayaana ku adkeesanaya in codka lagu kala bixi doono .

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshinkan laga keenay ku eedeeyay in ay ka dambeyso Xukuumada, Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaan dhankiisa ka hadlin eedeynta uga timid Gudoomiye Jawaari.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale wali ka hadlin khilaafka Siyaasadeed ee ka dhax aloosan Baarlamaanka Federaalka iyo Mooshinka kalsooni kala noqoshada ee laga gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Allbanaadir

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300