Published On: Fri, Mar 9th, 2018

Maraykanka oo cunaqabatayn saaray Laba horjooge kana tirsan Al-Shabaab

Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday inay xukuumadda Washinton cuna-qabatayn kusoo rogtay Axmed Iimaan Cali iyo Cabdifataax Abuubakar Cabdi, kuwaasoo ay ku sheegtay inay halis weyn ku yihiin amniga Muwaadiniinta Maraykanka, amniga Qaranka Maraykanka, siyaadadda arrimaha dibedda iyo dhaqaalaha Maraykanka.

Dawladda Maraykanka ayaa liiska aragixisada ku dartay laba xubnood oo kale oo ka tirsan taliyayaasha maleeshiyada urrurka Al-Shabab.

Labadan xubnood ayaa Maraykanku waxay u aqoonsadeen argagixiso caalami ah, waxaana la sheegay in Axmed Iimaan Cali uu madax kasoo ahaa garabka Kenya ee Ururka Al-Shabab tan iyo Sannadkii 2012-kii isla markaana uu agaasimay hawl-gallado badan oo laga fuliyay gudaha Kenya, isagoo dejiyay qorshayaal ay ka mid yihiin weerarkii lagu qaaday Ciidamada Kenya ee degaanka Ceel-Cadde oo ka tirsan Gobolka Gedo Soomaaliya.

Sidoo kala Dowladda Maraykanku waxay sheegtay in Sannadkii 2015 Kenya ay liiska argagixisada ku dartay Cabdifataax Abuubakar Cabdi, iyadoo la tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabab taliyayaashiisa dhinaca Kenya, waxa kale oo loo aanaynayaa inuu ku lug lahaa weerraradii ay Dadka badan ku dhinteen ee 2014-ka ee lagu qaaday degaanka Mpeketoni ee Dalka Kenya, halkaasoo ay ku dhinteen Dad ku dhow 60 Qof.

Isha/ VOA

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300