Published On: Fri, Mar 9th, 2018

Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in dad loo soo qabtay dilkii xalay ka dhacay Xamar Weyne

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmana Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in ciidamada booliska ay gacanta ku soo dhigeen dad looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilkii xalay ka dhacay Xamar Weyne.

Guddoomiye Yariisow oo uu wehliyay Taliyaha Booliska Jen. Bashiir ayaa xalay saqdii dhexe kormeero ku kala bixiyay Isgoysyada ay ciidamada ammaanka ka sugnaa amniga Caasimadda, isagoo bogaadiyay sida howsha u socoto.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay diyaarsan yihiin, ayna 24-saac heegan yihiin, iyagoo shacabka u shaqeynaya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay si degdeg uga jawaabeen falkii xalay ka dhacay Xamar weyne oo qof ganacsade ah lagu dilay, isla markaana ay baaris ku socoto dad loo soo qabtay dilkaas.

Degmada Xamar Weyne ayaa ka mid ah degmooyinka ugu amniga badan caasimadda, hase ahaatee waxaa muddooyinkan ku soo badanayay dilal loo geysanayay dhalinyaro.

Jowhar

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300