Published On: Thu, Mar 8th, 2018

Dowlada Somalia oo dacwad ka dhan ah heshiiskii dekeda Berbera u gudbisay Jaamacadda Carabta


Dowlada Federaalka Somalia ayaa qoraal ashtako oo ka dhan ah heshiiskii dekeda Berbera u gudbisay Ururka Jaamacada Carabta.Qoraal rasmi ah oo ay diyaarisay Safaarada Soomaaliya ku leedahay Magaalada Qaahira ayaa loo diray Xogheynta Jaamacada Carabta, waxaana looga hadlay mowqifka dowlada Somalia ka qaadatay heshiiskii maalgeshiga dekeda Berbera oo saamigiisa ay qeybsadeen shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka, Maamulka Somaliland iyo dowlada Itoobiya.Dowlada Somalia ayaa sheegtay in heshiiskan uu xad gudub ku yahay Qaranimada iyo madax banaanida Somalia, iyadoo dalbatay in qodobkan lagu daro ajendaha looga hadlayo Shirka Wasiirada arrimaha dibeda ee Jaamacada Carabta.

Waa talaabadii ugu horeysay ee dowlada Somalia u qaado sidii loo fashilin lahaa heshiiska dekeda Berbera, waxayna dowladu horey u sheegtay in heshiis kasta oo noocaas ah uu sharci daro noqonayo haddii aan iyada loo soo marin.

AllBanaadir

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300