Published On: Tue, Mar 6th, 2018

Guriga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu dhisayo lacag dhan $100 milyan

Waa fadhiga dowladnimada iyo dimoqoraadiyadda Soomaaliya, waa saldhigga hay’adda sharci dajinta ee ugu saraysa Soomaaliya, waxana uu ku yaalaa bugcadda ugu joog saraysa ee caasimadda, bartamahana ah, halkaas oo cid kasta oo magaalada booqata ay markiiba indhaha ku dhufan ogtahay, waxaase ka muuqda burbur xooggan.

Balse guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa soo bandhigay qorshe cusub oo lagu dhisayo guriga baarlamaanka oo ku burburay dagaaladii sokeeye.

Jawaari oo ka hadlayay barnaamij si toos ah uga baxayay taleefishinka dowladda ee SNTV oo lagu qabtay Muqdisho, ayna kasoo qeybgaleen dad badan ayaa la weeydiiyay sababta muddo sanooyin badan ah loo dhisi la’yahay.

Jawaari ayaa yiri “Gurigaas waa guri sharaf leh, magaciisa waxaa la yiraahdaa Golaha Ummadda, wuxuuna mudanyahay in uu yeesho guri u dhigma (meeqaamkiisa) oo magaalo madaxda ka dhex muuqda, lacag badan ayuu u baahanyahay, waxaa is weeydiin mudan sababta aan u dhex fadhino isaga oo jajaban”.

Jawaari ayaa intaasi ku daray in xikmaddu tahay in maadaamaa ay dadka burburiyeen, in ay ku waano qaataan, maalin kastana ay xusuus u noqoto marka ay burburkiisa arkaan, si aanan markale loo burburin, isaga oo xusay in sida gurigaas uu u burburay, dadkuna maskaxdooda u burburtay.

BBC Somali

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300