Published On: Sat, Mar 3rd, 2018

Somaliland oo si kulul uga hadashay muranka heshiiska dekedda Berbera

Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbanaannida ee Somaliland ayaa ku gacanseyrtay hadal ka soo yeeray dowladda fadaraalka Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaantay heshiiska dekedda Berbera.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in arrintaasi aysan khuseyn dowladda fadaraalka ee Soomaaliya.

Heshiiskan oo sidoo kale ay qeyb ka tahay dowladda Itoobiya ayaa waxa uu dhigayaa in shirkadda DP World ay maamulayso dekeda Berbera, iyada oo leh saami dhan 51%, halka Somaliland ay yeelanayso boqolkiiba 30%, Itoobiyana 19%.

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka ee Soomalaiya ayaa Jimcihii lagu sheegay in aanan lagu wargalinin heshiiska, islamarkaasna uu hareer marsanyahay habraaca loo maro heshiisyada, kana hor imanayo midnimada Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso shirka jaraa’id ee uu qabtay wasiirka warfaafinta Somaliland.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300