Published On: Fri, Mar 2nd, 2018

Dowladda Soomaaliya ”heshiiska lala galay Shirkada DP World waa sharci daro waana ka digeynaa”

Waxaa warbaahinta lagu baahiyay in uu jiro heshiis ku saabsan maalgashiga Dekedda Berbera kaasoo u dhaxeeya Shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta iyo Dowladda Federaalka Itoobiya.

Sida u qeexayo heshiiska warbaahinta lala wadaagay, shirkadda DP World ayaa yeelanaysa saami dhan 51%, Somaliland 30%, halka Dowladda Itoobiya ay yeelanayso 19%.

Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, oo wakiil uga ah arrimaha dekadaha dalka oo dhan Xukuumnadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay caddeynaysaa;

1. In Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan qeyb ka ahayn, cidna aysan u wakiilan in heshiiskaas lala saxiixdo Shirkadda DP World.

2. In heshiiskaas uu lid ku yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed

3. In habraaca loo maray heshiiskaas uu yahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka Ku meel Gaarka ah iyo shuruucda kale ee uu yaalla Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidaas darteed, annaga oo cuskanayna qodobada kor ku xusan, waxay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda caddeynaysaa in uu heshiiskaasi yahay mid waxba kama jiraan ah, waxayna ka digeysaa heshiisyada noocan oo kale ah ee baal marsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa cid walba oo dooneysa in ay maalgashi ku sameysato khayraadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, hase yeeshee waxay caddaynaysaa in haya’daha dustuuriga ee dalka oo kaliya, sida Xukuumada Federaalka iyo Baarlamaanka Federaalka ay yihiin kuwa keliya ee ku shaqada leh go’aan ka gaarista iyo ansixinta heshiiskan iyo kuwa noociisa ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300