Published On: Tue, Feb 20th, 2018

Soomaalida Itoobiya Diyaar ma Utahay Isbadel

Dalka Itoobiya waxaa ka jiro guux siyaasaddeed oo mudo soo jiitamayey, heerar kala duwanna soo marey. Kacdoon dadweyne, kalhore oo xukun degdeg ah lagu soo rogey iyo is-afgarad maxaabiis siyaasaddeed oo mucaarad mudo dheer xirnaa ay ka mid ahaayeen oo xabsiga laga siidaayey. Waxaa xigey iscasilaadi Raysul Wasaarihi dalkaasi, islamarkaasna ahaa hogaamiyihi xisbiga talada dalka haya ee EPDRF.

Intaa waxaa barbar socdey wadahadalo dhexmarey dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Jabhada ONLF oo Nayroobi, Kenya ka dhacay, lana isku afgartey in dib la isugu soo noqdo bisha afraad ee sanadkan.

Hadaba muxuu yahay qorshah Soomaalida Deegaanka iyo sida ay ula jaanqaadayaan guuxa siyaasaddeed ee dalkaasi ka socdo? Mise jiraan fikirro muuqdo oo ku aadan sidii lagu maareyn lahaa isbadal kasta oo yimaada?

Jaamac Buulle Jaamac ayaa warbixintan inoo haya.

VOA Somali

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300