Published On: Tue, Feb 13th, 2018

Ciidamada dowladda oo ka soo baxay deegaanadii ay shalay la wareegeen ee Gobolka Sh/Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay isaga soo baxeen deegaanadii ay shalay la wareegeen, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka.

Ciidamada xoogga dalka ayaa shalay la wareegay deegaanada Awdheegle, Mubaarak iyo tuulooyin hoos-taga degmada Afgooye oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Guddoomiye kuxigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in ciidamada aysan ujeedkooda aheyn inay deegaanadaas saldhig ka sameystaan, balse qorshuhu ahaa inay burburiyaan saldhigyada Shabaabka ku lahaayeen.

Ciidamada dowladda ayaa howl galka ay ku qaadeen deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose waxaa kala qeyb qaatay Ciidamo Mareykan ah

Al-Shabaab ayaa sheegay inay dib u qabsadeen deegaanadii shalay ay soo galeen Ciidamada dowladda.

Ma ahan markii u horeysay ee ciidamada dowladda ay la wareegaan deegaano, dibna uga soo baxaan, horay waxaa ay u qabsadeen deegaanka Bariire, iyagoo muddo kaddib isaga soo baxay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300