Published On: Wed, Jan 24th, 2018

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Swezerland oo ka warbixisey booqashada RW Kheyre ee Switzerland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Swezerland Faadumo C/llaahi Insaani oo la hadashay Radio muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Maanta R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre khudbad ka jeedin doono Shirka dhaqaalaha Aduunka kana dhici doona Dalka Swezerland.

Faadumo C/llaahi Insaani Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Swezerland ayaa tilmaantay in R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa kuna aadan baahiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya uu maanta ka jeedin doono shirka.

R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la filayaa inuu shirka ka dib kulamo kala duwan la qaado Madaxda Shirka ka qeyb galaysa isagoona hor dhigi doona Baahiyada ay qabaan bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamku Maalgashi buuxa ugu samaysan lahaa Dalka Soomaaliya oo loo arko in uu yahay Dalka Dihin kuna fiican Maalgashi dhaqaale.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Safiirka:


About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300