Published On: Tue, Jan 23rd, 2018

Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay in Cadaado ay tahay Xarunta Baarlamaanka Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi “Farmaajo” ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado kula kulmay Odayaasha iyo waxgaradka Cadaado, isagoona kala hadlay Tabashooyin ay qabeen.

Madaxweyne Farmaajo oo dhageystay Warbixinta Odayaasha iyo Waxgaradka ayaa u sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay qanciso cid kasta oo tabasho qabta, wuxuuna ku dhawaaqay in Magaalada Cadaado ay tahay Xarunta Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Odayaasha iyo Waxgaradka la kulmay Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay Soo jeedintiisa, waxayna kaga mahad celiyeen sida Madaxweynaha uu diyaar ugu yahay qancinta dadka tabashooyinka qaba.

Dhinaca kale Madaxweyne ayaa dhagax dhigay Garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado oo dib u dhis lagu sameynayo.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Masuuliyiin oo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ayaa goobjoog ka ahaa Munaasabada dhagax dhiga Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300