Published On: Wed, Jan 17th, 2018

Ciidamada Koofur Galbeed oo nolosha ku qabtay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Koofur Galbeed iyo ciidanka xoogga dalka ay nolosha ku qabteen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Manaas.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koofur Galbeed ayaa howl gal ku qaaday deegaanka Manaas oo qiyaastii 45KM u jira Baydhabo.

Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed ayaa Idaacadaha maxaliga u sheegay inay gacanta ku dhigeen illaa shan dagaalame iyo mootooyin ay adeegsanayeen.

Waxaa uu sheegay in ciidamada Koofur galbeed iyo kuwa xoogga dalka ay wadaan howl gallo ka dhan ah Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada Koofur Galbeed.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay weeraray deegaanka Goof gaduud iyo Daynuunay oo muddo kooban la wareegeen gacan ku heynteeda.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa laga soo sheegayaa inay ka socdaan duleedyada magaalada Baydhabo.

Jowhar

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300