Published On: Tue, Jan 16th, 2018

Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo Barqanimadii maanta ka dhacay degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso, waxaana la sheegay in lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa DFS, kuwaas oo marayay nawaaxiga saldhiga degmadaasi Warta Nabadda.

Xiriiro aan la sameynay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmadaasi ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in qaraxa lala eegtay Taliyaha saldhiga Booliska ee degmada Deyniile.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee Ciidamada Dowladda ka soo gaaray qaraxaasi .

Balse waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo howlgallo ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Mana jirto illaa iyo hadda wax faah faahin oo ay saraakiisha Lamaaha Ammaanka ay ka bixiyeen qaraxaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii xoogeysanayay falalka amaan dari ee ka dhaca magaalada Muqdisho, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood masuuliyadoodu ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.

Radio Shabelle

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300