Published On: Tue, Jan 16th, 2018

Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay deegaanka Daynuunay ee duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo saaka weerar ku qaaday deegaanka Daynuunay ay la wareegeen.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray deegaanka Daynuunay oo qiyaastii 25KM dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Koofur Galbeed iyo dagaalamayaasha Shabaab uu ka dhacay deegaanka.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, hase ahaatee dadka deegaanka ee ku sugan deegaanada dhaca duleedka Baydhabo ayaa warbaahinta u sheegay inay maqlayeen hubka culus ee la isu adeegsanayay.

Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu qoray in Al-Shabaab la wareegeen deegaano dhaca duleedyada magaalada Baydhabo sida Daynuunay iyo Goof gaduud.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerar ku qaaday deegaanadan, waxaana deegaanka daynuunay oo ah deegaan istiraatiiji ah uu u dhaxeeya Baydhabo iyo Buurhakaba.

Jowhar

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300