Published On: Sat, Jan 13th, 2018

Haweenka Sacuudiga oo markii ugu horreysay daawaday ciyaar ka dhacday Jeddah

Dalka Sacuudi Carbiya ayaa markii ugu horreysay waxa haweenka loo ogolaaday in ay goob joog ka ahaadaan oo ay daawadaan ciyaaraha kubadda cag ee ka dhacaya garoomada dalkaasi.

Haweenka ayaa soo buux dhaafiyay garoon ku yaalla magaalada Jeddah Jimcihii shalay si ay u daawadaan ciyaar halkaasi ka dhacaysay.

Waxa ay arrintani qayb ka tahay isbadaladda uu wado dhaxalsugaha dalkaasi Maxamed Binu Salmaan.

Haweenkan ayaa waxa ay fadhiyeen kuraas loogu talagalay qoysaska.

Ciyaarta ayaa ka dhacday garoonka kubadda cagta ee King Abdullah oo ku yaalla magaalada Jeddah

Inkastoo ay kala soocnaayeen ragga iyo dumarka ku wada sugnaa garoonka ciyaarta lagu daawanayay hadana waxaa lagu tilmaamay tillaabo muhim ah oo ay qaaday boqortooyada sacuudiga.

Lamya Khaled Nasser, oo 32-jir ah kana mid ah dadka xiiseeya ciyaaraha ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee AFP in ay aad ugu faraxsan tahay.

“Arrintani waxa ay muujinaysaa in aan u jihaysanay mustaqbal barwaaqaysan ,aad ayaan ugu faraxsanahay in aan goob joog ka ahaado isbadalka balaaran ,” ayay u sheegtay wakaalada wararka ee AFP.

Dalka Sacuudiga ayaa dhowaanahan si qunyar socod ah u ogolaanaya in dumarka ay helaan xuquuq dheeraad ah taas oo jawaab u ah dalabaadka dadka u dooda xuquuqda dumarka.

Markii ugu horreysay bisha June ee soo socta haweenka Sacuudiga ayaa loo ogolaan doonaa in gawaarida ay kaxeeyaan,isbadalkaasi oo lagu dhawaaqay bishii September.

Sidoo kale, Sacuudiga wuxuu isbuucan marti gelin doonaa tartankii ugu horeeyay ee dumar ay wada ciyaaraan.

BBC Somali

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300