Published On: Thu, Jan 11th, 2018

R/wasaare ku xigeenka dalka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Ankara

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa gaaray magaalada Ankara halkaasoo ay uga qeybgalayaan shirka horumarinta Ganacsiga.

R/waaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha, wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda, agaasimeyaal ka socda wasaradaha dowladda, waxaana si diirran loogu soo dhaweeyay caasimadda Turkiga ee Ankara.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo wasiirrada la socda ayaa la kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, waxaana laga wada hadlay sidii loo kobcin lahaa Dhaqaalaha Soomaaliya iyo in la tababaro shaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Shirka Horumarinta Ganacsiga ee Ankara ka furmaya ayaa socon doona muddo hal maalin ah, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii maalgashi loogu sameysan lahaa waddamada soo koraya, sida Soomaaliya oo kale.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300