Published On: Thu, Jan 11th, 2018

Mareykanka oo La Hadlaya Kuuriyada Waqooyi

WASHINGTON. D.C — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu wadahaddalo la billaabi doono Dowlada Kuuriyada Waqooyi marka la gaaro xilliga ay ku habboon tahay.

Wadahadal ku dhexmaray Khadka Telefoonka Arbacadii, isaga iyo dhighiisa Kuuriyada Koofureed Moon Jae-in, ayuu Trump ku sheegay inuu Mareykanka uu u furfuranyahay wadahadal uu la yeesho Kuuriyada Waqooyi.

Bayaan laga soo saaray Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada hogaamiye ay isla garteen muhiimmada sii waditaanka cadaadiska ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Talaadadi hore ay diblamaasiyiin ka kala socda labada Kuuriyada yeesheen wadahadalladi ugu horeeyay muddo sannado ah.

VOA Somali

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300