Published On: Thu, Nov 23rd, 2017

Golaha ammaanka oo ka shiraya muhaajiriin lagu iibiyey Libya

Faransiiska ayaa doonaya in kuklan deg deg uu golaha ammaanka ee QM ka yeehsho iibka la tuhunsan yahay ee muhaajiriinta Afrika ee si addoomo ahaanta loogu iibiyo dalka.

Madaxweye Emmanuel Macron ayaa sheegay inn muuqaalo uu baahiyey taleefishinka Mareykanka ee CNN ay yihii “Fadeexo” islamarkaana “aan la aqbali karin.”

“Waa dambi ka dhan ah bani’aaannimada” ayuu yiri Macron kadib markii uu la kulkmay madaxa ururuka midowga Afrika Alpha Conde.

“Waxaan rajeynayaa inaan sii dheereyno dagaalka ka dhanka ah kuwa dadka iibiya ee geystay damiyada, islamarkaanna aan la shaqeyno dalalka oo dhan si aan shabakaddan u burburino”

Muuqaalada CNN uu baahiyey ayaa waxaa ka muuqday xaraash lagu sameynayo dad madow ah, oo ay iibsanayeen dad loo soo bandhigay waxaan qaarkood lagu gatay lacag dhan kaliya 400 oo dollar.

Kulanka golaha ammaanka ee QM ayaa dhici doono toddobaadka dambe sida uu shegeey diblomaasi Faransiis ah.

VOA Somali

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300