Published On: Sun, Oct 29th, 2017

Wasaaradda Amniga XFS oo sheeegtay in Gacanta lagu dhigay 3 ka mid ah Ragii weerarka gaystay

Laamaha amaanka Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee Xalay soo gaban-gabeeyay weerar maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ku qaadeen shalay galabnimadii shalay Hotelka Naasahablood 2 ee Degmada Xamar-weyne.

Wasaaradda Amniga XFS ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen Ciidamada gaar ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Rag ka tirsan dhagar qabayaashii weerarka kusoo qaaday Hotelka Naasahablood2 ee Degmada Xamar-weyne halka qaar ka mid ahna ay Ciidamadau dileen.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga XFS C/casiis xildhimaan ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamadu Xalay ku guulaysteen in ay guuda ahaanba soo afjaraan weerarka.

C/casiis xildhimaan ayaa Afhayeenka Amniga ayaa tilmaamay in Ciidamadu gacanta ku dhigeen sadex ka mid dhagar qabayaashii weerarka soo waaday halka midna isku dhexe qaraxiayay Hotelka gudihiisa.

Ragga weerarka soo qaaday ee ka tirsanaa maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ayaa ka koobnaa shan”5″ mid ka ah waxaa uu isku qarxiyay gaariga midna gudaha Hotelka ayuu isku qarxiyay inta kale nolal ay ku hayaan Ciidamada Amaanka DFS.

Ciidamada Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goobta ka howl galay waxii ka dambeeyay weerarka ay ku qaadeen Maleeshiyaadka Al shabaab iyagoona Ciidamadu soo bad baadiyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay doonaayeen in ay laayaan dhagar qabayaasha nabad diidka ah ee Al shabaab.

Wali Dowladdu ma shaacin tirada rasmiga ah oo ku dhimatay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarka Argagixisadu ku qaadeen Hotelka Naasahabloo 2 ee Degmada Xamar-weyne

Raagaan ka tirsanaa maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday Hotelka Naasahablood 2 ayaa tusaale u ah guulaha ay Ciidmada Soomaaliya ka gaarayaan falalka Argagixisada nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaab ku dhibaatayeen Shacabka Soomaaliyeed.

Maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaab ayaa habeen iyo maalinta ku howlan dhibaataynta iyo gumaadka Shacabka Soomaaliyeed taasoo ku tusaysa hadaf la,aanta Argagixisadahase yeeshee Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa u taagan ka hortagida falalka guracan ee nabad diidku ku doonayaan dhibaataynta Shacabka.

RadioMuqdisho

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300