Published On: Sun, Oct 29th, 2017

Guddoomiye Taabid “Lama aqbali karo in labo todobaad gudahood in musiibo kale nagu dhacdo”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay weerarkii shalay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Naasahablood 2 ee degmada Xamar weyne, isagoo xusay in aan la aqbali karin weerarkan.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay inay ku guda jiraan bad-baadinta iyo gurmad, isla markaana la soo badbaadiyay dad bad-qaba, kuwa dhaawacana isbitaalada loo qaaday.

“Lama aqbali karo in labo isbuuc gudahood musiibo kale nagu dhacdo, waa in si dhab la iskula xisaabtanaa, mas’uuliyaddana dusha loo ritaa”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.

Sidoo kale Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in sida kaliya oo musiibooyinkan looga hortagi karo in qof walba shaqadiisa si sax ah u guto.

Hadalka ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku soo beegmaya, iyadoo 14-maalmood ay ka soo wareegatay qaraxii dadka faraha badan ku dhamaadeen ee ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Jowhar

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300