Published On: Wed, Oct 4th, 2017

Muslimiinta iyo Yahuuda Mareykanka oo Isbaheysi Sameystay

Isbaheysi ay sameysteen Muslimiinta iyo Yahuudda Mareykanka si uu ula dagaalamo naceybka ka dhanka ah bulshooyinkaas, una aas-aaso xiriir wanaagsan oo dhex-mara, ayaa sii ballaaranaya.

Isbaheysigan oo loogu magac daray Golaha Shuurada ee Muslimiinta iyo Yahuuda ayaa Talaadadii ku kulmay magaalada Dearborn ee duleedka magaalada Detroit, halkaasi oo ay degan yihiin bulshooyinka Carabta iyo Muslimiinta ugu waqtiga dheer Mareykanka.

Hogaamiyayaasha ururkan ayaa sheegay inay magaalada Dearborn u doorteen kulankoodii ugu horreeyey ee ka dhaca meel ka baxsan New York iyo Washington DC.

La-guddoomiyayaasha ururkan Stanley Bergman iyo Farooq Kathwari ayaa sheegay in Detroit iyo magaalooyinka ku dhow ay tusaale u yihiin xiriirka Muslimiinta iyo Yahuuda, ayna macquul tahay inay xafiis gobolka qaabilsan ka furaan.

Ururkan ayaa hadda xafiisyo ku leh magaalooyinka Los Angeles, Philadelphia, Dallas iyo Miami.

Bergman ayaa sheegay in Muslimiinta iyo Yahuuda Mareykanka ay markii hore la’aayeen fikradda ay qol ku wada fariisan karaan ugana hadli karaan arrimaha sida isku midka ah walaaca ugu haya.

VOA Somali

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300