Published On: Thu, Sep 21st, 2017

Dowladda Oo War Kasoo Saartay Fudeedka Maamul Goboleedyada Ee Arrimaha Khaliijka

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay ku-Simaha Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar). Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga Qaranka, Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ugu horreyn golaha siiyey warbixin la xiriirta xaalada amniga guud, sheegeyna in hay’adaha amniga ay laba jibaarayaan howlgalada xasilinta, shacabkana laga codsaday inay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sidii dalka loo nabadeyn lahaa. Maanta oo ah maalintii nabadda, caalamkana u dabaaldegayo, ayaa Golaha Wasiiradu waxey ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in nabada la wada ilaashado, horumarka dhanka amnigana u baahanyahay in la wada xajisto.

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Golaha Wasiirada u sheegay muhiimada illaalinta sharciga iyo nidaamka dowladeed, ka dibna Golaha Wasiiradu iyagoo tixgelinaya xaalada dalku ku sugan yahay ayaa waxey isla garteen arrimahan ku aadan mowqifka Soomaaliya ee ku wajahan khilaafka Khaliijka Carabta:

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Maaliyada ee ku aadan Miisaaniyada 2018 iyadoo la isku raacay isu-diyaarinta iyo hab-raaca nidaamka Maaliyadeed ee keeni kara isla xisaabtan, hufnaan iyo maamul wanaag.

—-DHAMMAAD—-

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300