Published On: Mon, Sep 18th, 2017

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ka hadlay xiisada u dhaxeysa Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ka hadlay rabshado ay ku dhinteen dad badan oo dhex maray Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida oo ka mid ah dowlad deegaanada Itoobiya.

Hailemariam ayaa sheegay in rabshadaha labada dhinac ay ku dhinteen dad aan waxba galabsan, isagoo xusay inuu ku amray ciidamada Federaalka Itoobiya in dhibaatadaas si deg deg ah wax uga qabtaan.

“Waxaan ka xumahay khalalaasaha dhexmaray dadka rayidka ah, ee u kala safnaa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, waxaan tacsi u dirayaa Eheladii iyo qoysaskii dadkooda ku waayay khalalaasahaasi, dadkii masuulka ka ahaa falkan oo ay ka mid yihiin raggii warbaahinta u isticmaalayay sida qaldan sharciga ayaa la horkeeni doonaa”ayuu yiri Hailemariam.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ugu baaqay labada dhinac inay joojiyaan xiisada dagaalka, isla markaana wada hadal ku dhameeyaan muranka u dhaxeeya.

Madaxweynayaasha dowlad deegaanada Oromada iyo Soomaalida ayaa sheegay rabshadahaas ay yihiin kuwo aanay caado iyo dhaqan u laheyn dadka qowmiyadahooda, waxaana ay ku baaqeen in xaalada la dejiyo.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii dad ka badan labaatan ruux oo Soomaali ah lagu dilay magaakada Awadaay, iyadoo dilkaas ay sababtay xiisad ka dhex qaraxyada Oromada iyo Soomaalida dega Itoobiya.

Jowhar

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300