Published On: Mon, Sep 11th, 2017

Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Ismiidaaminta Baladweyne Oo Sii Kordhay

Waxaa sii kordhay Khasaarihii ka dhashay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Baladweyne oo la hadlay Idaacadda Shabelle Axmed Maxamed Khaliif oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in 2 Ka mid ah dhaawacyadii Isbitaalka la gaarsiiyay ay geeriyoodeen taas oo dhimashada ka dhigeysa 7 qof.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa intaas ku daray in ay jiraan dhaawacyo kale oo halis ah oo lagu dabiibayo Isbitaalka Baladweyne kuwaas oo isugu jira Rag iyo Dumar intaba.

Dhinaca kale Axmed Maxamed Khaliif Agaasimaha Isbitaalka Baladweyne ayaa cadeeyay in ay jiraan dhaawacyo ay wax ka qaban waayeen oo loo gudbiyay AMISOM si ay u dabiibaan.

Shalay ayey ahayd markii Qarax ay wax ku noqdeen Wariyayaal, Shacab iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan uu ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolkaas ee Baladweyne` weerarkaas oo ahaa mid Ismiidaamin ah.

Shabelle

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300