Published On: Mon, Sep 11th, 2017

Aqalka sare oo maanta ka doodaya go’aankii Xukuumadda ee arrinta Qalbi Dhagax

Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya go’aankii Xukuumadda ka qaadatay arrintii C/kariin Qalbi Dhagax oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ururka ONLF, kaasoo bishii hore loo gacan geliyay dowladda Itoobiya.

Tallaabadan ninkan loogu gacan geliyay Itoobiya ayaa ka dhashay xiisad siyaasadeed iyo mid bulsho, iyadoo si weyn looga soo horjeestay.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta oo Isniin ah ka doodaya arrinta Qalbi Dhagax iyo go’aankii Xukuumadda ka qaadatay 6-dii bishan.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha Aqalka sare ay aad uga soo horjeedaan tallaabada ninkan loogu gacan geliyay Itoobiya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay in Goluhu uu go’aan ka gaarayo sax iyo qalad qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay kiiskan oo Xukuumadda ku furay xaalado siyaasadeed.

Dad badan ayaa aaminsan hadii Aqalka sare uu diido go’aankii Xukuumadda ay culeys ku kordhineyso, isla markaana u sii horseedi karto in Golaha shacabka uu ku dhiirado inuu isna diido.

Jowhar

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300