Published On: Sat, Sep 2nd, 2017

WAR DEG DEG AH: Dab Xoogan oo Caawa ka holcaya magaaladda Muqdisho & Xog laga helayo

War deg deg ah oo haatan nasoo gaaray ayaa sheegaya in dab xoogan uu ka kacay suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho ee Suuq Bacaad.

Dabckan ayaa qabsaday qeyb kamid ah Suuq Bacaad oo ku yaalla degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxaana haatan la arkayaa uurada iyo holaca ka dhashay dabkaas.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dabkan uu saameyn xoogan ku yeeshay suuqyo badan oo ku yaalay halkaas.

Sababta dhalisay Dabka ma cadda waxaana la sheegay inuu ka bilowday qeybta Sarifka ee Suuq Bacaad.

Dadaallo lagu deminayo dabka ayaa durba bilowday, iyadoo gaadiidka dab damiska ay xilligan gaareen halka dabku ka socdo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300