Published On: Tue, Aug 29th, 2017

Meydadka dadkii lagu dilay Bariire oo aan wali la aasin iyo natiijada baaritaanka oo berri la sugayo

Meydadka dadkii lagu dilay jimcihii la soo dhaafay deegaanka Bariire ayaa wali la aasin, iyadoo shan maalin ay ka soo wareegatay, markii uu falkaas uu dhacay.

Odayaasha iyo ehelada dadkii la dilay ayaa sheegay in aan la aasi doonin, illaa laga soo bandhigo natiijada baaritaanka dowladda Federaalka.

Xildhibaano iyo Senator ku heyb ah dadka la dilay ayaa maalin ka hor la kulmay waxgaradka, odayaasha iyo ehelada dadkii la dilay, ayaa sheegay in arrinta baaritaanka ay dowladda ku daba galayaan.

Qaar ka mid ah odayaasha ayaa sheegay illaa laga xukumo dadkii ka dambeeyay dilkaas aan meydka la aasi doonin.

Guddi xaqiiqo raadin ah oo ay dowladdu u xilsaartay arrinta Bariire ayaa Isniintii bilaabay wadahadalo ay la yeelanayaan oday dhaqameedyada ka soo jeeda dadkii lagu diley Bariire, iyaga oo sidoo kale booqday deegaanka dadka lagu dilay.

Maalinta Berri oo arbaco ah ayaa la filayaa in Guddiga uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga ay hor-dhigaan wixii ka soo baxay baaritaankaas Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo lagu wado in dowladdu ay soo bandhigto.

Jowhar

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300