Published On: Mon, Aug 28th, 2017

SAWIRRO: Xog ku saabsan Saldhiga Milliteri ee Turkey ka dhistay Muqdisho & Ciidamada joogi doona oo…


Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay saldhigga Milatari ee dowladda Turkiga ka furaneyso magaalada Muqdisho sida ay qortay saxaafadda Turkiga.

Saldhigan Milateri ayaa la sheegay inuu ku yaallo agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde iyo Dekadda magaalada Muqdisho isagoo 3 KM u jira dhismaha isbitaalkaOrdogan ee ee magaalada Muqdisho.

Dhismaha saldhiga ayaa bilowday March 2015, waxaana la sheegay in la dhameystiri doono Janaayo 2017 oo si rasmi ah loo furi doono, laakiin dib u dhac ayaa marar badan ku yimid, iyadoo hadda lagu wado in la furo Bisha September 2017.

Maareeyaha Shirka dhiseysa saldhiga milateriga Turkiga ee Soomaaliya Istanbul Mogadishu General Construction Company ninka lagu magacaabo Ebubekir Şahin ayaa wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay dhismaha saldhiga ay ku baxday lacag dhan 50 Milyan oo doolar.

Dhismaha saldhiga ayaa ka kooban xarumo tababar, saddex Dugsi oo milatari, Goobo la seexdo iyo Bakhaaro, wuxuuna ku fadhiyaa saldhigga dhul shan 400 hektar oo markiiba lagu tababari karo 500 askari.

Saldhigga milateriga ee Turkiga ka furtay Soomaaliya ayaa la sheegay in ciidamo kale oo afrikaan ah lagu tababari doono. Turkiga ayaa xiriir wanaagsan la leh Soomaaliya, isagoo taageero kala duwan siiya Soomaalida.

Soomaaliya ayaa noqotay dalkii labaad ee uu saldhig milateri ku yeesho kadib dalka Qatar oo uu dhowaan ciidamo gaaraya 5000 askari u diray markii ay qaraxday xiisadda Khaliijka oo la go’doomiyay dalka yar ee qaniga ah.

DAAWO SAWIRRADII UGU DANBEEYAY

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300