Published On: Tue, Aug 15th, 2017

Roobow: Waan ka baxay Al-Shabaab, dowladda ayaana marti u ahay”


Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayuu ku caddeeyay in uu ka baxay kooxdaasi, isagoo tilmaamay inuu soo kala dhex galay Qilaaf ku salaysan Caqiidada.Sheekh Muqtaar ayaa yiri “Waxaan u cadaynayaa dhammaan Umadda Soomaaliyeed iyo Caalamka inaan ka baxay xubina ka ahayn Al-Shabaab Mudo Shan Sano iyo Todobo Bilood ka hor, sababta aan uga baxayna ay tahay, kala duwanaan faham iyo Qilaaf Caqiido ku qotoma oo ku saabsan Arrimo aanan Diinta Dadka iyo Dalka u adeegayn.”

Sheekha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Dowladda Sooomaaliya iyo Saaxiibada Beesha Caalamka kaalintii ay ku lahaayeen in heerkaan ay wax soo gaaraan, waxaana uu intaa ku daray inuu wada hadal u socdo dowladda oo uu marti ugu yahay Magaalada Muqdisho, isagoo rajeeyay in Wadahadalkaas isfaham waxgal noqda ay ku soo dhammaadaan.

Ugu danbayntii Sheekh Muqtaar ayaa mar kale uga mahad celiyay dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda sida diiran ay ugu soo dhooween magaalada Muqdisho, isagoo rajo ka qaba inuu u gogol xaaro nabad waarta.

Radio Muqdisho

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300