Published On: Fri, Aug 11th, 2017

Qarax ka dhacay Xabsiga Dhexe

Qof naftii halige ahaa iyo askari katirsanaa ilaalada xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa ku geeriyooday kadib markii nin isku soo xiray waxyabaha qarxa uu isku dayay in uu isku qarxiyo taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Sareeye Gaas Max’ed Xuseen Cusmaan oo ah taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo lala beegsaday qaraxasi ayaa SONNA u xaqiijiyay in uu bad qabo, balse waxaa halkaasi ku dhintay hal askari oo kamid ahaa ilaalo xabsiga Dhexe.

Dhanka kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa SONNA u sheegey in uu halkasi ku shahiiday askari katirsan ciidamada Amniga oo ka hortagay dhagar qabahaasi in uu hadafkiisa gaaro.

Falkaasi is qarxinta ahaa ayaa ka dhacay banaanka Masjid ku yaala Xabdiga Dhexe ee Xamar, saraakiisha hay’adaha amaanka ayaa wada baaritaano ku aadan falkaasi.

Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa goobtaasi ka wada howlo baaritaano ah waxaana halkaasi gaaray mas’uuliyiin iyo saraakiil kale.

Sonna

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300