Published On: Fri, Jul 14th, 2017

Taliska AMISOM: Waa la isku furayaa Waddooyinka Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe

Taliska AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in ay
bilaabayaan howlagllo ballaaran oo la isugu furayo Gobolada Hiiraan
iyo Sh.Dhexe, xili halkaasi mararka qaarkood ay ka dhaceen Weeraro
qaraxyo iyo dhabo gal ah oo mas’uuliyadooda ay sheegtaan Xarakada Al
Shabaab.

Taliyaha Ciidamada AMISOM, Janaraal Cismaan Nuur Subagle ayaa waxuu
sheegay in howlgalladaasi muhiim ay yihiin islamarkaana looga
goolleeyahay in labada Gobolada isku socodkooda uu faa’iido badan ugu
jirto Shacabka.

Taliye Subagle ayaa waxuu qeexay in 89% Xarakada Al Shabaab laga
saaray Magaalooyinka Gobolada dhaca Koonfur iyo Bartamaha Dalka
Soomaaliya, isagoona xusay in markan la bilaabayo howlgalladaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Taliyaha waxuu carabka ku adkeeyay in
ay xiran tahay Waddada isku xirta Jowhar, Buulo-burde iyo Shalalaqsi,
islamarkaana loo baahan yahay la isku furo.

Waxaa uu qiray in Xarakada Al Shabaab inta badan laga saaray
Magaalooyinka Dalka, balse weli ay wadaan weerarada gaadmada ah,
isagoona hoosta ka xariiqay in laga hortagi doono Weerarada Al
Shabaab.

Xoogaga Al Shabaab ayaa inta badan Weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah
waxey ku beegsadaan dabaabaadka Dagaalka Ciidamada Midowga Afrika ee
AMISOM oo ku sugan Degaano iyo Degmooyin dhaca Gobolada Hiiraan iyo
Sh.Dhexe.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300