Published On: Fri, Jul 14th, 2017

SAWIRRO: RW Kheyre, A.Madoobe & Golaha Wasiirada oo Baadiyaha Kismaayo ku qadeeyay

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in qadadani ay tilmaam u tahay sida ay xili waliba Jubbaland iyo shacabkeedu ugu heelan yihiin wadajirka iyo isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa aad uga mahadceliyey Madaxweynaha Jubbaland iyo golleyaasha dawlad gobolleedka is-xilqaankooda isagoona tilmaamay soo dhoweynta iyo martiqaadkan oo kale inuu yahay mid ay caan ku tahay Jubbaland.

“Aadbaan ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Axmed iyo dhamaan dawlad gobolledka jubbaland oo si weyn noo soo dhoweeyey runtii qada sharaftan ay noo sameeyeen waxaanu u aragnaa qaddarin, ixtiraam iyo sharaf ay noo hayaan bulshada reer Jubbaland.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdiga la socda ayaa qadada ka dib, halkaas ku maalay geel, waxaana ay tani ka mid tahay sida ay shacabka Jubbaland ugu faraxsan yihiin la joogitaanka madaxda dawladda Federaalka.

About the Author

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. ANIGU WAXAAN KA MID AHAA DADKII DHALIILI JIRAY MADAXWEYNE Farmaajo.
    HADDASE WAAN KA SOO DABCAY MUCAARADNIMADII HORE.
    WAXAAN MARKAAN LEEYAHAY: Madaxweyne Farmaajo kursigiisa ha ku
    wareejiyo Xasan Cali Kheyre. Isgana ha iska galo “pension” oo dawladda xaq weyn buu ku leeyahay e.
    FIKRADDAN WAXA AY IGU DHALATAY MARKII AAN DHEGEYSTAY DHAWR “INTERVIEW”
    OO UU BIXIYAY XASAN CALI KHEYRE.
    Dhab ahaantii, Farmaamjo waa madaxweynihii soo xulay Xasan Cali Kheyre.
    Farmaajo waa ninkii ka ooysiiyay Gabre iyo Itoobiya.
    Intaas ayuuba taariikhda Somalia baal dahab ah kaga gelayaa.
    Imika, Farmaajo ha muujiyo waddaninimo iyo dhiirranaan dheeri ah.
    Laba mid ha yeelo:
    1. In uu kursigiisa uga tanaasulo Xasan Cali Kheyre. Waa haddii ay sharci ahaan bannaan tahay.
    2. AMABA, UGU YARAAN, FARMAAJO RAIISULWASAARAHA HA SIIYO MADAXBANNAANI DHAB AH
    UU KHEYRE KAGA DHABEYN KARO “VISION-KIISA”, ISAGOO AAN INNABA GADAAL KA BAQEYN.

    Waxaan ahay oday Soomaaliyeed oo jecel wanaagga iyo horumarka Dalka Somalia.
    Waxaan ka yaabayaa in Madaxweyne Farmaajo ku sii jiristiisa siyaasadda ay keeni karto
    in laga xiiso dhaco oo laga hor yimaado.
    MADAXWEYNE, KA BAX SIYAASADDA IYADOO LAGU JECEL YAHAY. KOLLEY SOOMAALI WAA TII ISLA QASATEE, ADIGANA KU XAGXAGATEE.
    WIXII UU DALKA U QABTO XASAN CALI KHEYRE, SHARAFTEEDA WAXAA LEH MADAXWEYNIHII SOO XULAY OO AH MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300