Al-Shabaab oo xalay Madaafiic ku weeraray degmada Garbahaarey
Al-Shabaab ayaa xalay weerar madaafiic ku qaaday saldhig Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin garoonka diyaaradaha magaalada Garbahaarey.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in jug xooggan oo ahaa madaafiic ay maqlayeen, kaasoo ku soo dhacayay qeybo ka mid ah Garbahaarey.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in madaafiicda ay la beegsadeen saldhiga ciidamada Itoobiya ku leeyihiin garoonka diyaaradaha Garbahaarey, ayna u geysteen khasaaro kala duwan oo aanay carabaabin.
Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka Gedo ayaa warbaahinta u sheegay in madaafiicda xalay aanay wax khasaare ah geysan, ayna ku dhaceen meelo banaan.
Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii dagaal dad badan ku dhinteen oo dhex maray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka Garbahaarey.
Jowhar