Published On: Wed, Jun 28th, 2017

6 Carruur Ah Oo Ku Geeriyootay Xeebta Liido Kadib Markii Ay Baddu Qaaday


Maamulka degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ayaa u sheegay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya in carruur ay ku geeriyootay xeebta Liido degmadaasi kadib markii ay baddu qaaday.Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada C/casiis oo wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa sheegay in xeebta Liido laga helay meydadka lix carruur ah oo ay baddu qaaday shalay kuwaasi oo ku dabaalanayey meel aan xeebta ka fogeyn.

“meydadka lix carruur ah ayaan ka helnay xeebta waa la aqoonsaday waxaanna ku wareejinay waalidiinta dhalay badda ayaa qaaday xili ay ku qubeysanayeen shalay, maanta ayaana la helay meydadkooda waa arin xanuun leh”ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada C/casiis.

Ugu dambeyntii maamulka degmada C/casiis waxa ay ka codsadeen waalidiinta Soomaaliyeed iney carruurtooda si gaar ah uga war hayan ayaga oo ka digay in xiligan oo lagu jiro xiliga bad xiranka ay carruurta ku dabaashaan bad weynta Hindiya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300