Published On: Sun, Jun 25th, 2017

Munaasabad lagu Xusayo Maalinta Xuriyadda 26 June oo Goor dhaw ka bilaabaneyso Muqdisho.


Munaasabad Si weyn loo soo agaasimay oo lagu weyneynayo Maalinta Xuriyadda  26 June ayaa  lagu wadaa in ay caawa ka dhacdo Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.Wasiirka Warfaafinta XFS ahne Gudoomiyaha Gudiga Qabanqaabada Munaasabada 26 june oo u waramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qabanqaabada munaasabada ay mareyso meel wanaagsan isagoo xusay in ay wax yar kadib   si toos ah uga bilaawan doonto Aqalka Dowladda Hoose ee Magaalada Muqdisho.

Mudane Yariisow ayaa sheegay in Munaasabada ay kasoo qeyb geli doonaan Madaxda Sare ee Qaranka , Wasiiro , Xildhibaano , Masuuliyiin kale iyo Shacab badan.

Munaasabadan ayaa waxaa si toos ah ugala socon doontaan qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed Sida Radio Muqdisho , Tvga Qaranka iyo Websites-ka Warbaahinta Qaranka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300