Published On: Thu, Jun 22nd, 2017

Wasiir Juxa oo goob joog ka ahaa heshiis ay kala saxiixdeen Maamulada Puntland iyo Galmudug “Dhageyso”

Wasiirka arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya oo kulamo la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulada Puntland iyo Galmudug, isla markaana labada dhinac ay shirar lahayeen maalmihii la soo dhaafay ayaa halkaasi ku kala saxiixday heshiis ka kooban todobdo qodobWasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo soo gaaray Galkacyo ayaa maantay goob joog ka ahaa saxiixa todobo qodob oo ay ku heshiiyeen labada Maamul lana filayo inay horseedaan Nabada Gobolka Mudug.Cabdi Faarax Juxa Wasiirka arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Sooamaliya oo la hadlayay masuuliyiinta labada dhinac iyo Waxgaradka ayaa cadeeyay hadafka dowladda Federaalka ee heshiiska cusub iyo halka ay ka go’do Nabada GaalkacyoMasuuliyiinta Gobolka ee Puntland iyo Galmudug ayaa mar kale sheegay inay ka go’antahay ka mira dhalinta Nabadda Gobolka.

Ugu dambayn Waxgaradka iyo Nabadoonada guud ahaan Gobolka Mudug ayaa soo dhaweeyay heshiiska iyo wafdiga Wasiirka arrimaha Gudaha ee Gaalkacyo gaaray.

Dhageyso Dardaarankii uu Wasiir Juxa shirka ka jeediyay


About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300