Published On: Thu, Jun 22nd, 2017

Faah Faahin: Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Saldhigga Waabari iyo Wasiir ku dhaawacmay

Ugu yaraan 7 ruux ayaa ku geeriyootay, 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii qarax ismiidaamin ahaa lagu qaaday saldhiga Booliska degmada Waabari oo ku yaala Wadada Maka Al-Mukarama.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa gaari nooca Surf loo yaqaano oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay iridka hore ee saldhiga Waabari.

Warar aanu heleyno ayaa sheegaya in qaraxa dadka ku dhaawacmay uu ku jiro Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Jubbaland Sheekh Maxamed Yuusuf Aw Libaax, kaasoo dhaawiciisa la sheegayo inuu culus yahay.

Qaraxa ayaa saameeyay dhismayaasha ka ag dhow Saldhiga oo ku yaallay laamiga Wadada Maka Al-Mukarama, waxaana dadka ugu badan ee waxyeelada ka soo gaartay ay u badnaayeen dad marayay wadada.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka Amniga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhaca.

Qaraxan ayaa ah kii labaad oo todobaadkan gudihiisa ka dhaca magaalada Muqdisho, sidoo kale waa qaraxii 3aad oo khasaare xooggan geysta oo ka dhaca magaalada bishan Ramadaan.

Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka geysaneyso magaalada Muqdisho, tan iyo markii ay bilatay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Qaraxyadan ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo ciidamada ammaanka ay adkeeyeen amniga Caasimada, iyadoo la xiray waddooyin mara xaafadaha, iyadoo wadada kaliya ee furan ay tahay Laamiga.

Jowhar

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300