Published On: Mon, Jun 5th, 2017

Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo duulaan ku ah deegaanada Shabaab ee Shabeellaha Hoose

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa qorsheynaya in guluf dagaal ku qaadaan deegaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.

Deegaanada Aw-dheegle iyo Janaale oo ay maamulaan Al-Shabaab ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto cabsi dadka deegaanka ka qabaan dagaalo ka dhacaan, kaddib markii ay dareemeen dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Wariye ku sugan degmada Afgooye ayaa sheegaya in ciidamada milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay ku doonayaan inay duulaan ku qaadaan deegaanadaas.

Boqolaal ka tirsan ciidamada milateriga ayaa dhowaan loo daabulay Gobolka Shabeellaha Hoose, si ay u qaadaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Jen, Caanood ayaa kol hore sheegay in dhowaan ay qaadi doonaan duulaan ka dhan ah Al-Shabaab.

Inta badan deegaanada Shabeellaha Hoose waxaa ku sugan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, halkaasoo ah meelaha ay weerarada ka soo qaadaan.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoojiyay weerarada ay ku qaadayeen saldhigyada ciidamada dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin gobolada dalka.

Jowhar

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300